Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo fahamka macluumaadkan ama aad rabto turjubaan, wac 800-464-4343 si aad u hesho taageero lacag la'aan ah. Riix 1 si aad u hesho turjubaan lacag la'aan ah.
Daawo muuqaal ku saabsan sida loo isticmaalo websaytka: Soomaali (Somali)
Sida loo isticmaalo Bogga Webseydka ee Waaxda Caafimaadka Vermont - muuqaal
Jadwalka dhukumiintiyada la turjumay
Jadwalka hoose waxaa ku jira dhukumiinti ay ku jiraan macluumaad caafimaad oo muhiim ah oo ay Waaxda Caafimaadku u turjuntay luqadaada. Turjumaadan waxaa turjumay xirfadle turjumaan ah.
Sida loo isticmaalo jadwalka hoose
Ku qor sanduuqa raadinta ee ka sareeya miiska si aad ugu raadiso eray kasta oo lagu isticmaalo Ingitiisi ama cinwaanka faylka. Waxaa sidoo kale ku kala saari kartaa cinwaanka deegaanka la turjumay (Translated Title) ama Cinwaanka Ingiriisiga (English Title) adigoo riixaya mid kamid ah ciwaanadaas.
Isticmaalka Google Translate
Waxaa jira macluumaad kale badan oo caafimaad oo ku jira websaydka HealthVermont.gov oo aad u isticmaali karto Google Translate si aad u aragto tarjumaad ootomaatiga ah ee websaytka dhan ah iyo foomam khadka onlaynka ah ee badan. Si aad midaas u samayso, ka dooro “Select Language” dhinaca midig ee u sareeya boga.
Akhri wax badan oo ku saabsan Google Translate
Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo fahamka macluumaadka Waaxda Caafimaadka?
Waxaad xaq u leedahay adeegyada turjumaad ee lacag la'aanta ah. Iimayl u dir [email protected] si aad u hesho adeegyada luuqada oo lacag la'aan ah.
Akhri wax badan oo ku saabsan helitaanka macluumaadka la heli karo.